
Hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha oo fadhigeedu yahay dalka Switzerland ayaa ugu baaqday dowladda dalkaas inay joojiso qorshe lagu masaafurinayo nin Soomaali ah oo qaba dhaawacyo culus, xilli uu weli sugayo daaweyn caafimaad.
Hay’adda Augenauf ee magaalada Zurich ayaa sheegtay in ninkan lagu wado in Khamiista, 10-ka September, si khasab ah loogu celiyo magaalada Muqdisho, isaga oo sii maraya Istanbul, inkastoo dhawaan qalliin loogu sameeyay Isbitaalka Jaamacadda Zurich.
Sida ay hay’addu sheegtay, ninkan ayaa ku dhaawacmay weerar ay ku qaadeen laba qof oo ay wada degganaayeen xarun dhulka hoostiisa ah oo lagu hayo magangelyo-doonka, halkaas oo ay dejiyeen mas’uuliyiinta Switzerland.
Weerarka ayaa la sheegay inuu sababay jab badan oo ka soo gaaray madaxa, dhaawac maskaxda ah iyo dhaawacyo indhaha ah.
Augenauf waxay sheegtay in ninkan loo qorsheeyay laba qalliin oo kale toddobaadkan, balse mas’uuliyiinta Switzerland ay ka hor istaageen in qalliinnadaasi dhacaan sababo la xiriira qorshaha masaafurinta.
Hay’addu ma aysan faahfaahin sababta sharci ee ninkan looga saarayo Switzerland iyo xaaladda rasmiga ah ee codsigiisa magangelyo.
Qareenkiisa ayaa dalbaday in la hakiyo masaafurinta. Ninkan ayaa la sheegay inuu Switzerland ku noolaa muddo 11 sano ah, isla markaana uu leeyahay saddex carruur ah oo ku nool dalal kale oo Yurub ah.
Kiiskan ayaa sidoo kale taabanaya Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, oo ninkan siisay dokumenti safar oo ku-meel-gaar ah, loona yaqaan laissez-passer, kaas oo suuragelinaya in dib loogu celiyo Soomaaliya.
Augenauf ayaa ku eedeysay hay’adda socdaalka Soomaaliya inay dukumentiga bixisay iyada oo aan tixgelin xaaladdiisa caafimaad.
Waxay sidoo kale sheegtay in sawirka ku yaalla dokumentiga safarka uusan si wanaagsan ugu ekaan ninka la masaafurinayo.
Mas’uuliyiinta socdaalka Switzerland ayaa awood u leh inay dalalka ay dadkaasi u dhasheen ka codsadaan dokumenti safar oo ku-meel-gaar ah marka qofka la masaafurinayo uusan haysan baasaboorka ama dukumenti safar oo la aqoonsan yahay.




















