Taabid oo sheegay inay jiraan dad diidan maqaamka Muqdisho

1395

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahaana Duqii Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay arrinta maqaam u sameynta magaalada Muqdisho oo weli uu muran ka taagan yahay.

Taabid ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay jiraan dad diidan inuu matalaad yeesho gobolka Banaadir, inkastoo uusan shaacin dadkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay cadaalada ku jirto in dadka Muqdisho ay doortaan cida u noqoneysa hoggaankooda heer gobal iyo heer qaran.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka uu soo dhigay Taabit Cabdi Bartiisa Facebook.

Waqti dheer waxey bulshadeenu sugeysay iney codkooda ku doortaan cida u noqoneysa Hoggaankooda heer Gobal iyo heer Qaran. Rabitaankaasi wuu xoogan yahay balse wili waxaa muuqata iney jiraan dad raadinaya in aan marxaladdaas la gaarin, oo abuuraya mowjado kale oo dano gaar ah xambaarsan.

Shacabku iney doortaan cida ay rabaan waa midda ugu fudud ee lagu heli karo caddaalad, isla-xisaabtan dhab ah iyo hoggaan heelan. Soomaaliya waxey taal meel aanu ka qaadi karin hoggaan ku yimid hab qabiil, laaluush iyo mid ay Dowladdo shisheeye dhabarka ku sitaan.

Si ay u guuleystaan dadaallada awoodda loogu celinayo gacanta Dadweynaha, waa inaan u wada midownaa arrinkaas. Kuwa ka cararaya codka dadweynaha waxaa la gudboon iney kala saaraan masiirka Qaranka iyo maalin-joogga qofka.

Anigoo fahamsan waqtiga dhiman, meesha la taagan yahay, nooca sharciga ee aan qaadanay iyo gaabiska jira, ayaan hadana waxaan mar walba xoojinayaa in la helo matalaad bulsho oo xoog leh, kuna timaada hannaanka xisbiyada badan, soona afjarta qolo-qolo doorata, loona gudbo ummad Qaran doorata.