Tababare Conte oo duulaan ku ah Chelsea

1847

Tababaraha kooxda Inter Milan ee reer Talyaani Antonio Conte ayaa doonaya inuu la soo wareego mid ka mid ah xiddigaha naadiga ka dhisan Galbeedka magaalada London ee Chelsea.

Antonio Conte ayaa xiiseenaya inuu la shaqeeyo weeraryahanka reer France iyo kooxda Chelsea ee Olivier Giroud, isaga oo doonaya inuu la soo saxiixdo kaddib marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee soo aadan.

33 jirkan ayaa xaalad adag kaga sugan garoonka Stamford Bridge, wuxuuna daris la noqday kursiga keydka, kaddib imaatinka kooxda ee tababare Frank Lampard, isagoo ciyaaray kaliya 3 kulan xilli ciyaareedkan.

Haddaba shabakada caanka ah ee “CalcioMercato” ayaa shaaca ka qaaday in Antonio Conte uu raadinayo xiddig bedel wanaagsan u noqon kara Romelu Lukaku qeybta labaad ee xilli ciyaareedka, si uu halkiisa kaga sii wado loolanka uu kula jiro Juventus hanashada horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in tababare Antonio Conte uu u arko weeraryahanka reer France iyo kooxda Chelsea ee Olivier Giroud inuu yahay xiddiga ku haboon ee bedelka u noqon kara Romelu Lukaku.