Tahriibayaal Soomaaliyeed oo xabsiyada Libiya laga soodaayay oo muqdisho dib loogu celiyay+SAWIRRO

976

Waxaa saakay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad ay la socdeen tahriibayaal Soomaaliyeed oo in mudo ah ku xayirnaa magaalooyin kuyaala dalka Liibiya.

Tahriibayaasha saakay dalka dib ugu soo laabtay ayaa gaaraya 97-qof oo 5 kamid ah haween yihiin, waxaana tahriibayaashan wajiyadooda ka muuqday diif xoogan iyo dhibaatooyin ay kula soo kulmeen Liibiya inta ay joogeen.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumada Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay tahriibayaashan Soomaaliyeed ee saakay dalka dib ugu soo laabtay.

Dowlada Soomaaliya ayaana gacan weyn ka geesatay sidii tahriibayaashan oo ku xayirnaa dalka Liibiya ay dib ugu soo laaban lahaayeen dalkooda hooyo, waxaa sidoo kale la filayaa in tahriibayaal kale oo Liibiya jooga in dalka iyana dib loogu soo celiyo.