Taliska Booliska Gal-mudug ayaa beeniyay war ku saabsan in Rag ka tirsan Alshabaab lasii daayay +Video

1484

Taliska Guud ee ciidamada Galmudug ayaa ka hadlay war uu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliiska Dhuusamreeb ee ah in Taliska uu xabsiga kasii daayay xubno ka tirsan Al Shabaab.

Gaashaanle Sare Cabdikariim Xuseen Macalin ayaa beeniyay warka laga soo xigtay taliyaha, wuxuuna ka dhawaajiyay in laga doonayo caddeymo ku aadan hadalkii uu warbaahinta u sheegay.

Taliska Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in maamulka uu dagaal kula jiro Al-Shabaab, waana sababta aysan suuragal u aheyn in ruux loo tuhunsan yahay Al-Shabaabnimo laga sii daayo xabsiga, sida uu sheegay.

Taliyahii saxaafadda la wadaagay warkaan miisaanka leh ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu u hayay, wuxuuna is casilaadiisa ku eedeeyay in shaqsiyaad dambiyo kala duwan xabsiga ugu xirnaa iney sii daayeen Saraakiil isaga ka sarreysa.

Dhamme Burhaan Axmed wuxuu ku adkeystay iney mudooyinkii lasoo dhaafay soo xireen Shabakado la tuhunsan yahay, balse xabsiga laga sii daayay iyadoo ay socoto baarista dambiyadooda.