Taliska Booliska oo kadigay inay dhacaan Banaanbaxyo rabshada wata +VIDEO

1633

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Bashiir Cabdi Maxamed oo Warbaahinta Qaranka lahadlay ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed dhigi karaan Banaanbax aanan wax rabshado ah wadan kaas oo ay ku cabirayaan dareenkooda.

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa kadigay inay dhacaan Dibadbaxyo Sharci darro ah kuwaas oo lagu burburiyo hanti dadka Soomaaliyeed iyo mid ka dhaxeysa ummadda Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska General Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay lashaqeeyaan Laamaha Amniga kuwaas oo diyaar u ah inay ka hortagaan kooxaha qaswadayaasha ah kuwaas oo ku dhexdhuumanaya Shacabka doonaya iyaga oo dadka isku dhexqarinaya in ay dhibaato geystaan.