Taliyaha Asluubta oo inkiray hadal uu horay usheegay +COD

1761

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la hadlay VOA ayaa wax laga weydiiyay hadal caro badan dhaliyay oo dhawaan ka soo yeeray, kaas oo ahaa in qof naafo ah aan looga baahneyn in uu qorto ama ka sii mid ahaado ciidanka Asluubta.

Taliye Mahad ayaa sheegay in hadalkaas oo buun buuniyay si ka duwan sidii uu ula jeeday, isagoo tilmaamay in ay u yimaadeen dad naafo oo doonayay in ay qortaan ciidanka Asluubta, balse uu ku war galiyay in aysan qora karin ciidanka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin qof ku naafoobay iyaga oo ka tirsan ciidanka Asluubta oo uu shaqada ka eryay, isla markaana dadkii naafada ahaa ee u yimid uu u sheegay in ay shaqo u raadsadaan hey’adaha kale ee dowladda, maadaama sida uu sheegay igaya ay ka helayaan shaqooyin ay ka bixi karaan.

Taliyaha ayaa tilmaamay in dadka buun buuninaya hadalkiisii uu u aqoonsanayo nabadiid iyo dad been sheeg ah oo sida uu sheegay horay u jiri jiray, hadalna sida loo dhigay uusan u dhihin.

Dood weyn iyo cambaareyn ayaa ka dhalatay hadal uu taliya ciidanka Asluubta Soomaliyed Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu ku yirin “Loogama baahna ciidanka Asluubta ee aan hoggaamiyo qof naafo ah, lug ha la’aato, gacan ha la’aato, il ha la’aato ama xubin kale ha la’aatee”.

Ururrada u dooda xuquuqda dadka naafada ah, siyaasiyiin iyo bulsho kale ayaa aad u cambaareeyey hadalka ka soo yeeray taliyaha ciidanka Asluubta.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ka mid ahaa dadkii ka fal celiyay hadalka taliyahaan ayaa yiri, “Hadii dowladdu ay hadda ka hor wasiirkii waxbarashada xilkii ugu qaaday Jaamacadaha dalka ayuu wax ka sheegay hada waxaan ka sugeynaa in taliyahaan u gafay dadka naafadaa ee qarankooda u naafoobay ay xilka ka qaado”.