Taliyaha Booliska waqooyiga Gobolka Mudug oo shaqo jojin lagu sameeyay.

27

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) kadib dhacdadii baxsashada maxaabiista burcad-badeedda.

Taliyaha ayaa ku-meel-gaar ahaan lagu beddelay ku-xigeenkiisa, Ayuub Siciid Cali Dheeg, kaas oo hadda sii haya xilka Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug.

Go’aanka shaqo joojinta taliyaha ayaa daba socda dhacdadii ay ku baxsadeen maxaabiis burcad-badeed ah oo uu kasoo qaaday deegaanka Garacad, kuwaas oo lagu soo qabtay markabkii SIBU 1.

Dhacdada baxsashada ayaa dhacday 26-kii September, waxaana xilligaas goobta ka dhacay iska horimaad sababay dhimashada mid kamid ah maxaabiista burcad-badeedda, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Maxaabiista ayaa lasoo qabtay kadib markii howlgal lagula wareegay markabka SIBU 1, kaas oo kamid ahaa maraakiib ay burcad-badeeddu afduubteen.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli Puntland ay weli gacanta ku hayso maxaabiis kale oo burcad-badeed ah oo lagu qabtay howlgallo ka dhan ahaa kooxaha afduubka maraakiibta.

Tirada maxaabiista ay Puntland hadda gacanta ku hayso ayaa gaaraysa ku dhowaad 30 qof, kuwaas oo laga soo qabtay maraakiibtii Honour 25 iyo SIBU 1 ee lagu afduubtay xeebaha maamulka.

Baxsashada maxaabiista ayaa sare u qaaday walaaca habka loo sugayo amniga iyo ilaalinta burcad-badeedda lagu qabto howlgallada badda, iyadoo shaqo joojinta taliyaha booliska Mudug ay qayb ka tahay tallaabada laga qaaday dhacdadaas.