Taliyaha CXD oo xilka laga qaadayo

212

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa qorsheynaya in uu xil ka qaadis deg-deg ah ku sameeyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Is qabqabsi la xiriira cida qabanaysa jagadan ayaa ka taagan Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo xubno doonaya ay buux dhaafiyeen xafiiska Madaxweynaha.

Xubnaha ilaa hadda safka hore ku jira waxaa kamid ah Shuute iyo Bariise oo haddaba ka tirsan Hay’addaha Amniga ee dawladda Soomaaliya, kuwaas oo doonaya jagada Taliyaha xoogga dalka.

Gen. Odawaa Yuusuf, Taliyaha Xoogga dalka ayaa saami qeybsi ahaan kasoo jeedo Beesha Madaxweyne Xassan Sheekh, lama oga sabab soo dadajisay qorshaha xil ka qaadistiisa.

Haddii, Madaxweyne Xassan uu u magacaabo Taliyaha Xoogga nin kasoo jeeda Beeshiisa, si lamid ah xil-heynta Odawaa, Waxaa ay dawladdiisu sii lumin doontaa nidaamka hab-qeybsiga Soomaalida ee 4.5 oo sida hada lagu eedeeyo uu Madaxweynuhu ka talaabay.