Taliyaha Nabad Suggida Galmudug oo kabadbaaday qaraxii maanta+SAWIRRO

1642

Qaraxii gaari ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka badbaaday Taliyaha Nabad Suggida Maamulka Galmudug Cabdi Dheere oo gaariga la qarxiyay lahaay.

Taliyaha Nabad Suggida Maamulka Galmudug ayaa la sheegay in gaariga uu ka dagay oo uu galay Hotelka Mubaarak gudahiisa, waxaana wararka ay sheegayaan isaga oo gudaha Hotelka ku jira in qaraxa gaariga loogu xiray.

Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka dowladda Federalka Somaliya ayaa sheegay in Taliyaha isaga oo Caafimaad qaba gudaha Hotelka laga soo saaray ammaankiisana la xaqiijiyay.

Cabdi Dheere ayaa mar soo noqday Taliyihii hawlgalada Magaalada Muqdisho, xilligii Ciidamada Nabad Suggida ay ka hawlgalayeen Magaalada Muqdisho gudaheeda.

Qaraxyada nooca dhajiska ah ee baaburta lagu xiro ayaa maalmahan dambe ku soo badanaya Magaalada Muqdisho gudaheeda.