Taliyaha Nabadsugid Kenya Nuurdiin Xaaji oo loogu baaqay is casilaad

82

Dalka Kenya waxaa Talaadadii ka dhacay dibadbaxyo waa weyn oo sababay dhimashada dad aad u badan, waxaa sidoo kale jira boob xooggan oo loo geestay xarumo ganacsi oo kuyaalla magaalada Nairobi iyo magaalooyin kale.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua, ayaa ku eedeeyay hay’adad Sirdoonka dalkaasi in ay ku fashilantay soo gudbinta xogta baaxada dibadbaxyadii dhacay, waxa uuna xusay in Madaxweynaha aan loo sheegin waqtigii loogu tala galay xogta dibadbaxyada.

Rigathi Gachagua, ayaa sheegay in taliyaha hay’adda Sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji ku guuldareestay in Madaxweyne Rutu la socodsiiyo baaxada dibadbaxyada dhacay , si looga baaqsado loogana hortago in ay dhacaan dil, dhaawac iyo boob.

Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya ayaana ugu baaqay taliyaha hay’adda NIS Nuuradiin Xaaji in uu is casilo kana tago shaqada maadaama uu fashilmay, waxa uuna intaa raaciyay haddii uu xogta soo gudbin lahaa in laga badbaadi lahaa dhibka hadda dhacay.

“Hadii Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ay laba bilood ka hor Madaxweynaha u sheegi lahayd sida ay dadku u arkaan Hindise Sharciyeedka Maaliyadda 2024-ka, dad badan oo Kenyaan ah ma dhinteen, hanti ma burburteen, xafiisyadiina lama burburiyeen, fowdo ma dhacdeen. , laakiin shaqada ayay ka seexdeen.”ayuu intaas raaciyey Gachagua

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli dalka Kenya ka dhaceen Talaadadii dibadbaxyadii ugu khasaaraha badnaa, taa oo keentay in Madaxweynaha Kenya deg deg uga laabto hindisihii canhuur kordhinta ee carada dhalisay.