Taliyaha saddexda kantarool ee Garoowe oo laxiray

1188

Taliyaha qaybta booliska booliska gobolka Nugaal gaashaanle sare Maxamed Aaden Jaamac ayaa amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo sarkaal ka tirsan Booliiska Puntland oo soo saaray awaamiir dhanka ammaanka la xiriirta.

Taliyaha ayaa amray in la xiro Axmed Maxamuud Cali oo ku magacaaban Taliyaha saddexda kantarool ee laga soo galo caasimadda Garoowe, kadib markii lagu eedeeyay in uu go’aan iskiis ah ku sheegay in qof kasta oo ka safraya Garoowe uu damiin keeno, si loo fasaxo safarkiisa.

Wararkii ugu dambeeyey ee aannu hadda ka helayno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ciidanka ammaanku ay xabsiga u taxaabeen taliye Axmed Maxamuud Cali, iyadoona aysan saraakiisha ciidanka ammaanku faahfaahin dheeraad ah ka bixin kiiskaan.