Taliyahii Ciidanka xoogga dalka oo xilka laga qaaday

460

Dowladda Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Odowaa Yuusuf Raage, ayada oo la magacaabay taliya cusub.

Waxaa xilka Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, oo horey usoo noqday madaxii hab maamuuska madaxtooyada iyo ilaalada Madaxtooyada Koofiya Casta madaxtooyada muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.”

“Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan, taasoo ay kamid yihiin Taliyaha Guutada 60-aad ee Ilaalada Madaxtooyadda Qaranka.”

Ma cadda sababta xilka looga qaaday Odowaa oo taliyaha ciidanka xoogga dalka soo ahaa tan iyo 2019.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo bil ah qaadin wax howlgal ah oo ka dhan ah kooxda.