Taliyahii Madaxtooyadda Puntland oo iscasilay

1643

Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland Gaashaanle Sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf, ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkaasi.

Qoraal kooban oo uu Taliyaha ku soo qoray Bartiisa Facebooka ayuu ku yiri.

“Anigoo ah G/sare Barkhad Abdillahi yusuf taliyaha ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland waxaan kudhawaaqayaa Maanta oo tarikhdu tahay 5/5/2020 inan iskacasilay xilkii ahaa taliyaha cidanka madaxtoyada puntland”

Barkhad waxaa xilkaan loo magacaabay, 2-dii Marso ee Sanadkii 2019, waxaana uu xafiiska joogay mudda sannad iyo afar bilood ah.

Wali si rasmi ah looma oga sababta keentay in uu is Casilo Taliyaha.

Sidoo kale dhawaan waxaa isna iscasiley Agaasimihii Guud ee Madaxtooyada Puntland.