Taliyahii Saldhiga degmada Heliwa oo dil lagu xukumay

308

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasha ah ku xukuntay Taliyahii Saldhiga Booliiska degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Maxamed Cabdi Maxamed Qoone oo ahaa askari gacanyare u ahaa Taliye Qoslaaye.

Taliye Qoslaaye iyo askariga gacan yaraha u ahaa ayaa Maxkamaddu ku heshay iney ka dambeeyeen fal afduub iyo dil loo geystay marxuum lagu magacaabi jiray Abuukar Axmed Kaabax oo la dilay 24-kii bishii Febraayo ee sanadkaan 2024.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale ka xayuubisay darajadiisa ciidan Taliye Cabdifitaax Qoslaaye iyo Dable Maxamed Cabdi Qoone, islamarkaana ka saartay kasii mid ahaanshahoda ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale Maxkamadda ciidamada ay 15 sano oo xabsi ciidan ah ku riday Liibaan Maxamed Cumar oo Liibaan Maxamed Axmed ku isticmaalo Passport Kenyan ah, kaasoo la sheegay inuu ahaa ninkii abaabulay falka dilka ah ee loo geestay Marxuum Abuukar Kaabax.

Maxkamadda ayaa sidoo kale Maxamed Cadaawe Cali iyo Yaasiin Cabdi Jaamac oo qeyb ka ahaa shirqoolka lagu dilay Abuukar Kaabax ku xukuntay min 10 sano oo xabsi ciidan ah, halka Xasan Maxamed Saciid Dhiin dhiin lagu xukumay 15 sanno oo xabsi ah.

Ugu dambeyntii Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay iney wax dambi ah ku waaysay Maxamed Xasan Cismaan, waxaana Maxkamadu ay sidoo kale sheegtay in xukunkaan uu u furan yahay Racfaan mudo ku siman 30 cisho.