Taliye Burhaan Axmed Alshabaab ayaa xabsiga laga siidayay+Video

1782

Taliihii ciidanka booliiska Saldhiga magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug Dhame Burhaan Axmed Rooble oo xalay Warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii taliyanimo uu hayay.

Waxa uu sheegay taliye Burhaan in uu isku casilay faragalin baahsan oo lagu hayay shaqada uu hayay, waxa uuna xusay in labo mar xabsiga Dhuusomareeb si xoog ah looga sii daayay dad uu sheegay in tuhun loo soo xiray.

Taliyaha ayaa shaaciyay in uu go’aansaday in shaqada isaga tago kadib markii madax sare uusan magacyadooda sheegin si qasab ah xabsiga uga sii daayeen sadex qof uu sheegay in uga shakiyeen in ay katirsan yihiin Al Shabaab kuwaa oo baaritaano ku socdeen.

”Waxaan isku casilay in aan shaqadeeda u madax banaaneen, waxaa xabsiga laga daayay labo nin oo magaalada ku cusbaa oo xog nala soo siiyay ku xirnay, waxaana dadkan oo saacado xirnaa kuna socotay baaritaano laga daayay xabsiga, waxaa sidoo kale tuhun argagaxiso loo xiray nin laga shakiyay balse isna xabsiga laga sii daayay waxaan aloo gudbiyay dhinaca Cadaado.” ayuu yiri taliye Burhaan.

Dhame Burhaan Axmed ayaa taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ugu baaqay in ay si deg deg ah usoo magacaabo qofkii bedeli lahaa, waxa uuna cadeeyay diyaar u yahay in uu shaqada wareejiyo.

Taliyaha booliiska saldhiga Dhuusomareeb oo kamid ahaa saraakiishoo kooxda Ahlu Sunna ee la qarameeyay ayaa la magacaabay 22-kii bishii Febraayo ee sanadkan , waxa uuna xilka hayay taliyahan in kayar sadex bilood.