Taliye Indha- Qarshe ” ciidamada gadoodka sameeynaayo waa ay lumi doonaan” + COD

1658

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo la hadlay Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa bogaadiyay shaqada wangaasan ee dalka u hayaan.

Waxa uu sheegay Taliye Indha-Qarshe in dowladda ay ku howlan tahay diiwaangelinta Ciidamada dowladda,isla markaana uu socdo tirakoobka lagu sameeynayo.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu Digniin u diray Ciidamada gadoodka sameeynayo,isagoo xusay in ay lumi doonaan,halka kuwa doonaya hormarka dalka ay kusii jiri doonaan Ciidamada Xoogga dalka.