Taliye ku xigeenka booliiska gobolka Mudug oo ladhaawacay 

624

Iska hor imaad xooggan oo caawa ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhaawacmay taliye ku xigeenkii ciiddanka booliiska gobolka Mudug iyo askar kale oo ciiddanka amniga katirsan.

Iska hor imaadkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidan uu watay taliyaha booliiska gobolka Mudug, Muumin Cabdi Shire ay weerareen goob ay ku sugnaayeen odayaal iyo siyaasiyiin saxaafadda ka dhaliilayay madaxweynaha Puntland.

Warar aan weli si dhab ah loo xaqiijin Karin ayaa waxay sheegayaan inuu dhaawaca soo gaaray nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ahaa duqii hore ee Gaalkacyo, kaas oo Beer uu ku leeyahay duleedka Gaalkacyo ku marti galinayay shirar loogasoo horjeedo Deni.

Warar ayaa sheegaya in goobta uu ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdi Siciid Muuse, oo maamulka gobolka Mudug uu ku eedeeyay inuu Gaalkacyo u tagay arrimo siyaasadeed.

Weli wax faahfaahin ah oo dheeraad ah lagama hayo khasaaraha rasmiga ka dhashay iska horimaadkan.