Taliye ku xigeenka Ciidanka Haramcad ee Gobolka Banaadir oo ladhaaway

2181

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax goor dhow uu ka dhacay Agagaarka Isgoyska Baar Ismaaciil .

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa si weyn looga maqlay Xaafaddaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Ciidanka Haramcad ee Gobolka Banaadir Cabdiwali Fanax iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Meesha uu Qarax ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa Injineero Turki ah oo ku howlanaa dhismaha wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho, wuxuuna qaraxa ahaa mid ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari Homey (Caasi ah) .

Qaraxa ayaa la sheegay inuusan wax khasaaro ah u geysan Injineeradii Turkiga ahaa ee la rumeysan yahay in loola dan lahaa Qaraxa inkastoo ay dhibaato kasoo gaartay Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo dad Shacab ah.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa xirtay meesha uu qaraxa ka dhacay waxaana hakad la geliyay gaadiidka u kala safra Muqdisho iyo Afgooye.

Dhaawaca Taliye ku xigeenka ayaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho, waxaana weli si rasmi ah loo ogeyn nooca uu yahay dhaawaca soo gaaray.

Bil ka hor ayey aheyd markii Kooxda Al-Shabaab ay qarax xooggan Isgoyska Ex Control kula beegsatay saraakiil Turki ah oo ka tirsan kuwa dhisayo wadada isku xirto Muqdisho iyo Afgooye, waxaana qaraxaas ku dhintay ku dhawaad 100 qof oo Shacab ah iyo 2 Injineer oo Turki ah.