Taliye Ku-xigeenkii Booliska Soomaaliya oo Isku casilay

69

Taliye Ku-xigeenkii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdalla Cabdalla Maxamed, ayaa iska casilay xilkiisii, isagoo shaaciyay afar sababood oo uu sheegay inay ku qasbeen inuu xilka ka tago.

Cabdalla ayaa sababaha iscasilaaddiisa ku sheegay caddaalad-darro, ku-takri-fal awoodeed iyo musuqmaasuq, isagoo sidoo kale sheegay in awoodda ciidanka si sharci-darro ah loogu adeegsaday burburinta, barakicinta dadka iyo dano siyaasadeed.

Wuxuu intaas ku daray in galalka amniga qaranka loo maareeyay si ka fog mas’uuliyaddii qaran ee loo baahnaa, taasoo uu sheegay inay khatar ku tahay amniga dalka.

Iscasilaadda Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa timid iyadoo uu xusay eedeymo la xiriira hab-dhaqanka hay’adaha amniga iyo adeegsiga awoodda ciidanka, hase yeeshee faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan iscasilaaddiisa iyo tallaabada xigta ee uu qaadi doono weli lama shaacin.