Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Asluubta Somaliland Oo Geeriyooday

1654

Taliye ku xigeenkii ciidamada Asluubtasomaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa ku geeriyooday cusbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

taliye ku xigeenkii ciidamada Asluubta Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo maalmihii ugu dambeeyey xaalad caafimaad u jiifay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa caawa geeriyooday.

Alle haw naxariistee taliye ku xigeen Fooxle oo mudadii ay somaliland jirtay ka dhex shaqaynayey ciidamada kala duwan ayaa hore u soo noqday taliye ku xigeenka ciidamada booliska.