Taliye kuxigeenka Booliska Oo Gaaray Magaalada Gaalkacyo + Ujeedka

1681

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Maamulka Galmudug ayaa waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska dowladda Jen. Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif).

Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa waxaa Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska dowladda kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug, Mas’uuliyiinta degmada iyo Saraakiil kale.

Ujeedka Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Kaniif ee Gaalkacyo ayaa waxaa uu yahay xal ka gaarista qalalaaso ka dhashay dilkii dhawaan halkaas loogu gaystay Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) oo la tilmaamay inuu ahaa Samafale.

Sidoo kale inta uu Taliye ku-xigeenka ku sugan yahay Magaalada ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaatan doonaa Saraakiisha Ciidanka Booliska Maamulka Galmudug iyo Mas’uuliyiinta degmada.

Si kastaba rag katirsan ciidanka ayaa maalmo kahor Gaalkacyo ku dilay Sheekh Cali Axmed Faarax, kadib markii ay afduubteen, waxaana Galmudug ay sheegtay inay wadaan baaritaano ku aadan falkaaa dhacay, iyagoo u Guddi u saaray baarista dhacdada.
shalayna waxaa magaalada Galkacyo kadhayay banaan baxyo arintaan looga cabanayay .