Taliye shub oo isku soo taagay kursiga HOP#172

1113

Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta ka dhabeeyey musharixnimadiisa Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo isku soo taagay kursiga tirsigiisu yahay ee HOP#172.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta qaatay shahaadada musharxanimada, isaga oo ka guddoomay guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed.

“Guddiga hirgelinta doorashada KGS SEIT waxay shahaadada musharaxnimada gudoonsiiyeen musharax Mahad Abdirahmaan Aadan oo u sharaxan kursiga HOP#172,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga maamulka doorashada ee Koonfur Galbeed.

Taliyaha ciidamada Asluubta ayaa maalmihii u dambeeyey aad loo hadal hayey in loo wado Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo taageero ka helayo madaxweyne Lafta Gareen.

Sidoo kale ninkan ayaa ah Sodoga Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay u dhaxdo gabar uu dhalay, taas oo sii xoojisay hamigiisa doorashada.

Arrintan ayaa caddeyneyso in madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen uu gebi ahaan isaga haray tartanka doorashada, maadaama aad loo hadal hayo inuu u sharaxan yahay kursigan HOP#172, waxayna tani meesha ka saareysaa damacii Villa Soomaaliya ee ku aadanaa in Baarlamaanka uu soo galo Lafta Gareen, si uu ugu ololeeyo dib u doorashada Farmaajo.

Si kastaba Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaano (Taliye Shub) ayaa ku biiraya saraakiil horey loogu doortay Golaha, waxaanka ka mid ah Fahad Yaasiin, Cabdullahi Kulane, Yaasiin Farey, Bashiir Ameeriko, halka kuwa kalena ay waayeen, sida Bashiir Goobe iyo Indha Qarshe.