Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo wareegto soo saaray ayaa xilalkii ka qaaday agaasimihii, taliyihii iyo taliye ku xigeenadii ciidanka Badda maamulkaasi ee PMPF.
Digreetadaan ayaa waxaa sidoo kale lagu magacaabay agaasime iyo afar taliye.
Halkaan hoose ka aqriso:
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.16 February 17, 2020, kuna saabsan Xil-kaqaadis iyo magacaabid Agaasimaha Guud, Agaasime ku-xigeenka iyo Saraakiisha Sare ee Ciidanka Badda Puntland (PMPF).
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dibu habaynta Ciidanka Badda ee Dowladda Puntland (PMPF).
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyey Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenada Ciidanka PMPF, waxaana loo bedelay Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.
1.1. Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax
1.2. Admiral Maxamuud Siciid Ciise
1.3. Admiral Cabdullaahi Axmed Yuusuf
2. Waxaa Cabdirabi Cabdisamed Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka PMPF
3. Waxaa Axmed Yuusuf Axmed loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Ciidanka PMPF
4. Waxaa G/sare Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac loo magacaabay Taliyaha howl galinta Ciidanka PMPF
5. Waxaa G/dhexe Xabiib Faarax Xassan loo magacaabay Taliyaha Ciidanka lugta PMPF.
6. Waxaa G/dhexe Baarri Salaad Axmed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka kumaandoosta PMPF
7. Waxaa G/dhexe Maxamed Cabdi Diiriye loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaybta Badda (ABS) ee Ciidanka PMPF
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.