Taliyihii Booliiska Somaliland oo Caawa geeriyooday

1644

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland, General Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Taliyaha oo maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanaayay Magaalada Hargeysa ayaa caawa ku geeriyooday Isbitaalka International ee Magaalada Hargeysa.

Madaxda Somaliland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Genaral Cabdillaahi Fadal Iimaan, Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland.

Jananka ayaa waxaa maalinta berrito lagu wadaa in lagu aaso Deegaanada Somaliland, waxaana aaskiisa la fillayaa in ay ka qaybgalaan Madaxda Somaliland ugu sareysa.