Taliyihii ciidanka madaxtooyada oo xilka laga qaaday +SAWIRRO

74

Taliyaha cusub ee ciidanka ilaalada Guutada 77-aad ee illaada Madaxtooyada Soomaaliya, Gaashaanle Dhexe Maslax Maxamud Maxamed ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib munaasabad ka dhacday Muqdisho. 

  

Gaashaanle Dhexe Maslax ayaa xilka kala wareegay taliyihii hore ee illaalada xarunta Madaxtooyada Jeneraal Xasan Aadan Dhicis, waxaana munaasabadda goobjoog ahaa mas’uul ka tirsan hoggaanka Villa Soomaaliya oo labada taliye xilka u kala wareejiyay. 

  

Taliyaha cusub oo khudbad ka jeediyay goobta ayaa ballan qaaday in shaqada halkeeda uu kasii wadi doono, isaga oo ciidamada Madaxtooyada kula dardaarmay inay laba jibaaraan dadaalkooda, maadaama ay saaran tahay mas’uuliyad culus oo aad u wayn. 

  

Isbedalkan ayaa yimid, kadib markii dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu baddelay taliyihii guutada ilaalada Madaxtooyada Qaranka, isaga oo xilkaas u magacaabay Gaashaanle Dhexe Maslax Maxamed Maxamuud oo ah sarkaal uu kalsooni badan ku qabo Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo maanta xilka la wareegay. 

  

Maslax oo qaraabo dhow ay yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh waa sarkaalka uu ugu kalsoonida badan yahay, wuxuuna ka soo dalacay Taliyaha Ilaalada Madaxweynaha, isagoo noqday Taliyaha guutada ilaalada madaxtooyada iyo madaxda Qaranka ee 77. 

  

Sidoo kale, Maslax ayaa lagu xusuustaa doorkii uu ku lahaa xoreynta deegaanada ay beeshiisu degto ee Ceeldheer iyo Mesegawaa, halkaas oo beesha uu ka abaabulay si cadowga ay isaga difaacaan. 

Maslax iyo beeshiisa Waceysle ayaa ku guuleystay inay iska dhiciyaan kooxda Al-Shabaab, kana difaacdaan dhulkooda, iyadoo aan ognahay in beelaha kale ee Abgaal intooda badan dhulkii laga qabsaday. 

  

Tallaabadan ayaa la aaminsan yahay inay ka dhalatay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee lagu qaaday kolonyo uu madaxweynaha la socday maalin uu ku sii jeeday furimaha dagaalka ee HirShabeelle, kaas oo ka dhacay agagaarka isgoyska Ceelgaabta. 

  

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhowaan baddelay taliyihii ciidamada badda iyo ilaalada xeebaha Soomaaliya, waxaana xilkaas laga qaaday sarkaal u dhashay beesha Xawaadle oo Taliyaha Xoogga uu reysteeyey, laguna eedeeyey musuqmaasuq. 

  

Waxaa kale oo jirtay in wasiirkii hore gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo laga beddalay wasaaradda gaashaandhigga oo hadda la geeyay wasiir Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo isnaa ahaa wasiirkii ganacsiga, kaas  oo shalay xilka la wareegay.