DAAWO:-Taliyihii Hore Ee Ciidanka Booliska Oo Loo Doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

912

Waxaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka bilaabatay doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay dowlad Goboleedka Puntland gaar ahaan Boosaaso.

Doorashada oo ka socota Teendho ku dhex taalla gudaha Garoonka Boosaaso ayaa waxaa kusoo baxay Xildhibaano dhowr ah oo la doortay, waxaana Xildhibaanada la doortay kamid ah Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed Maxamuud.

Jeneraal Bashiir Cabdi Ameeriko ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop273, isla markaana waxaa loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii doorashada tartankeeda ay ka tanaasushay Sahro Maxamed Maxamuud oo la tartami laheyd Bashiir.

Taliyihii hore ee Ciidanka Jeneraal Bashiir Ameeriko oo la hadlay warbaahinta ayaa u mahadceliyay ergada dooratay iyo Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Puntland, isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay inuu kamid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayaa weli ka socota Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana Maanta oo sabti ah lagu doonayaa Magaaladaas inta badan kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Magaaladaas.