Taliyihii Hore ee Nabad sugida oo Layaab ku tilmaamay Warqada kasoo baxday NISA

1965

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hor-yimid warbixin kasoo baxday Hey’adda NISA, taasoo lagu sheegay in dal shisheeyey uu lahaa qorshaha qaraxii sabtidii ka dhacay Isgoyska Ex Contol Afgooye.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa tilmaamay in waraaqda kasoo baxday NISA ay tahay mid yaab leh isla markaasna ay uga soo baxday illaa Afar qodob. Hoos ka aqriso qoraal uu Fiqi soo dhigay facebook.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Xildhibaan Fiqi soo dhigay Facebook

Warqadda hey’adda NISA ee la yaabku ka muuqdo waxaa iiga soo baxey:

1. In ay siyaasadaysan tahey, loolankii dawladaha qaarkood ka dhexeeyayna dhiigga masaakiinta Soomaalida la rabo in ay isaga aarsadaan, ayadoo soo dhexmaraya hey’adda nabadsugidda.

2. Shabaab In loo cudurdaarayo, lagana leexinayo eedda xasuuqii dhacay.

3. In ciidamada Amniga iyo shacabka Soomaaliyeed cadowgii aragagixada ahaa ee ay ka aargoosan lahaayeen laga weecinayo mid aan ahayna loo tilmaamayo.

4. In dawladdu ay iska leexiso In alshabaab ka awood batey, sidaas awgeedna meel kale iyo dawlado shisheeye dusha laga saaro.

Waxaa isweydiin mudan haddii NISA sidaan degdegta ah ay wax ku ogaan karto maxey uga hortagi waayeen inta aan dadka la xasuuqin!

Hey’adda NISA waxey sheegtay In ay hey’adaha sirdoonka caalamka qaarkood ay baaritaanka la kaashan doonto, waxaa looga baahan yahay in banaanka ay soo dhigaan hey’adahaas ay sheegeen?! Si loo ogaado In baaritaankaasi siyaasadaysan yahay iyo In kale.

Kooxaha argagixisada ama cid kasta oo ku soo hoos-gabata ayaga iyo kuwa marin habaabinta umadda ku samaynaya nooma kala duwana, waxaan dalbanaynaa In baaritaan madax banaan lagu sameeyo dhacdadii xasuuqa Ex-Kontorool Afgooye iyo habdhaqankan cusub ee madaxda NISA ay la soo baxeen oo muujinaya In NISA lafteedu ay ajnabi gacanta u gashay iyo In kale!? Lana Shaaciyo cidda baaritaankaas ka qeybgalaya.