Taliyihii hore ee Nabad-sugidda oo laxiray

115

Ciidanka Koonfurta Suudaan, ayaa lagu warramaya inay xireen madaxii hore ee sirdoonka dalkaas Jen. Akol Koor Kuc oo fiidnimadii xalay lagu weerarray gurigiisa ka dib amar uu bixiyay Madaxweyne Salva Kiir.

Inta uu socday howlgalka lagu soo xiray sarkaalkan Rasaas culus ayaa laga maqlay gudaha magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Suudaan, iyadoo iska horimaad uu ka dhashay talaabada ciidanka ay ku xirayeen madaxii hore ee hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda dalkaaas, Akol Koor Kuc, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Digniin dhanka amaanka ah oo Qaramada Midoobay u dirtay shaqaalaha ku sugan Juba ayaa lagu sheegay in toogashadan ay la xiriirto xariga madaxii hore ee Nabadsugida Qaranka (NSS). Waxayna ku boorisay shaqaalaha Qaramada Midoobay inay gabaad ka dhigtaan xarumahooda.

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir ayaa xilka ka qaaday bishii Oktoobar, madaxii hay’adda sirdoonka oo xilkaa hayay tan iyo markii ay dal noqotay Koonfurta Suudaan, tan oo lala xiriiriyay inay jirto cabsi uu ka qabay Kiir inuu iskudayi karo madaxa sirdoonka inuu xilka ka afgambiyo

Walaacaa wuxuu ku dhaliyay Salva Kiir, inuu dib u dhigo doorashada madaxtooyadda ee horey loo qorsheeyay bisha December, lamana oga waxaa ka dhalan doona talaabada uu madaxweynuhu ku soo xiray sarkaallkan awooda badan

Xarigga ninkan oo awood badan Ku dhex lahaa maamulka Koonfurta Suudaan, tan iyo markii ay madax bannaanida ka qaateen dalka Suudaan, ayaa mar horaba walaac laga muujiyay , sabab la xiriirta in xaalad amni darro ay ka dhalan karto, tana waxaa loo arka bilowga khilaafaad xukunka ah , kaddib markii dib loo dhigay doorashadii madaxtooyadda.