Taliyihii Qaybta 21-aad,Taliyihii Ciidanka Danab Qaybta Galmudug oo goob qura kudhintay

2046

Faah-faahino dheeriya kasoo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo saacado ka hor ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee qeybta maamulka Galmudug, xili uu isla maanta gaaray magaaladaasi Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay irida hore ee garoonka Cabdullaahi Ciise oo ay ka socotay munaasibad lagu soo dhaweynayay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble, oo isagu laftigiisu ku soo wajahnaa goobtaas, hase yeeshe uu dhacay ka hor inta uusan tagin

Waxa ka dhashay qaraxaas khasaaro badan oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho, iyada oo ila hadda la xaqiijiyey in uu qaraxaas ku dhintay duqii hore ee Gaalkacyo ee qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay.

Sidoo kale waxa qaraxa ku dhintay Taliyihii Qaybta 21-aad ee Ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen. Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari), Taliyihii Ciidanka Danab Qaybta Galmudug Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aaden, iyo Taliye ku-xigeenkii ciidanka Danab ee Gaalkacyo Marsho Mire oo isaguna ku sugnaa goobtaasi.

Sidoo kale, askar iyo dad shacab ah ayaa la sheegay in dhimasho iyo dhaawac kala duwan ka soo gaaray qaraxaas oo lala beegsaday soo dhoweynta Ra’iisul wasaare Rooble oo Galabta soo gaaray Gaalkacyo gaar ahaanna dhinaca Koonfurta Gaalkacyo.

Qaraxa ayaa dhacay xili ay garoonka ka socotay soo dhaweynta Ra’iisal wasaaraha, iyada oo ay ku wada sugnaayeen saraakiil, mas’uuliyiin iyo dadweyne badan oo qeyb ka ahaa soo dhaweyntaasi.

Mana jiro ilaa hadda war kasoo baxay dowladda federaalka, maamulka Galmudug iyo laamaha amniga oo ku aadan qaraxa galinkii dambe ee maanta ruxay magaalada Gaalkacyo.