Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada Wardhiigley oo la diley

1817

Koox hubeysan ayaa saaka ku dishey magaalada Muqdisho taliyihii Saldhigga Booliska degmada Wardhiigley ama Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir.

Taliyaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay macalin Daahir waxaana dilka geystey koox ku hubeysan bastoolado xilli uu ku sii jeeday Saldhigga Booliska uu taliyaha ka ahaa.

Wararka waxa ay sheegayaan in xilligii la dilayay taliyaha aysan la socon wax ilaalo ah waxana uu watay gaari yar isagoo lagu diley meel aan ka fogeyn Saldhigga Booliska degmada Wardhiigley.

Ragga dilka geystay ayaa ka baxsaday waxaana meydka taliyaha la geeyay xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID si baaritaan loogu sameeyo sida dilka uu u dhacay.

Maamulka Degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada booliska ee degmada ay bilaabeen baarista dadkii dilka ka dambeeyay.