Taliyihii Sirdoonka ee gobolka Sool oo ladilay

1887

Warar nasoo gaaraya ayaa sheegaya in magaalad Laas-caanood ee gobolka Sool lagu dilay Taliyihii Sirdoonka ee gobolkaasi.

Taliye Cabdiqani Guhaad ayaa caawa rag ku hubeysnaa Bistoolado ku toogteen afaafka hore ee Gurriga uu ka dagan yahay magaalada Laascaanood.

Ragga toogtay Taliyaha ayaa goobta iskaga baxsaday, inkasta oo goobtaasi ay gaareen Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland oo isla markiiba bilaabay baadi-goobka ragii toogashada fuliyey.

Taliyahan caawa la dilay ayaa la sheegayaa in uu gacanta ku hayey baarista qaraxii labo todobaad ka hor lagu khaarajiyey Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Sool, Xasan Sheekh.

Ilaa hadda majiro wax war ah oo ay Laamaha amnigu ka soo saareen dilka ay caawa raga hubeysani u geysteen Taliyihii Sirdoonka gobolka Sool ee Somaliland.

Muddooyinkii dambe waxa faraha kasii baxayey amaanka guud ee magaalada Laascaanood, iyada oo aysan jirin howl-galo ka dhan ah falalka lidiga ku ah amniga ee ka dhacayay magaaladaasi.

Gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa ka bad-qabay dilalka qorsheysan ee sida qarsoodida ah loo fuliyo, kuwaas oo intooda badan ka dhaca koonfurta Soomaaliya.

Laascaanood oo xarun u ah gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa dilka caawa loogu geystay Taliyihii ciidanka dembi barista booliska gobolkaas, waxa uu noqonayaa dilkii labaad ee loo fuliyo si qarsoodi ah, mudo laba todobaad ah.