“Tallaabada Kenya waa mid siyaasadeysan”Wasiir Oomaar oo yiri

1507

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay go’aanka ay dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay aad uga xuntahay go’aanka ay gaartay dowladda Kenya ee ah in duullimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nayroobi loo leexiyay magaalada Wajeer.

Dowladda Soomaaliya ayaa talaabadaas ku macneysay mid culeys lagu saarayo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliya waxay u aragtaa arrintani mid siyaasadeysan oo aan u wanaagsanayn xiriirka derisnimo, is-afgaradyadii hore ee labada dowladood ka dhaxeeyay, ganacsiga iyo isu socodka labada shacab” ayaa lagu yiri qoraalka.

“DFS waxay u taagan tahay dhawrista sharafta iyo karaamada ummadeeda iyo qaranannimadeeda, waxayna ugu baaqaysaa dowladda Kenya in ay dib u fiiriso tallaabadan culeyska ku ah ganacsiga iyo isu socodka labada shacab ee walaalaha ah. DFS waxay xiriir la sameyn doontaa hay’adaha ay khuseyso arrintan, iyadoo qiimeyneysa tallaabada ku haboon ee ay qaadeyso.”