Talyaaniga oo sharci siinayo Qaxooti ka badan Nus Milyan

1662

Dowlada Talyaaniga ayaa shaacisay inay sharci siineyso Qaxooti ku sugan dalkaasi oo tiradoodu kor u dhaafeyso nus milyan.

Go’aanka dowladda ayaa yimid kadib markii Qaxootiga dalkaas jooga ay ka shaqeeyeen Beeraha dalka Talyaaniga ee ku yaalla dhanka koonfurta halka kuwa kale ay si bilaasha ah ku caawiyeen Dadka waayeelka ee ku nool dalkaasi sida ay sheegtay Wasiirka beeraha ee Talyaaniga Teresa.

Dadka sharciga la siinayo oo mudo dheer ka shaqeynayay beeraha Talyaaniga iyagoo helaya lacag yar ayaa shaqadooda watay xiliga lagu guda jiray Coronavirus taasoo keentay in Dowlada u balanqaado sharci ku meel gaar ah oo 6 bilood ah.

”Waa waqtigii la siin lahaa sharci waayo waxay ka shaqeeyaan beero ay kasoo baxaan badi waxa laga cuno gudaha Talyaaniga” ayey tiri Teresa

Qaxootiga ku sugan Qaarada yurub ayaa iska dhiiba Dalka Talyaaniga marka ay wadamada kale ay ka waayaan Sharciga daganaanshaha taasi oo keenta in ay ka shaqeeyaan beeraha Koonfurta Talyaaniga halkaasoo lagu siiyo lacag ka yar mida caadiga ah.

Ku dhawaad 30 kun oo qof ayaa Talyaaniga ugu dhimatay xanuunka Corona iyadoo cudurka laga helay 219,000 qof dalkaasi oo dhan inkastoo haatan ay ka soo kabanayaan.