Tigrayga oo gantaallo ku garaacay gobolka Amxaarada

1342

Ciidamada Tigray-ga ee dagaalka kula jiray ciidamada dowladda federaalka Ethiopia ayaa lasoo sheegayaa iney gantaallo ku garaaceen deegaano ka tirsan ismaamulka Amxaarada iyadoo weerarkaasi uu ka dhashay khasaare.

Magaalooyinka Gondar iyo Bahirrdaar oo ku yaalla ismaamulka Amxaarada ayaa la duqeeyay, waxeyna Tigray-ga sheegeen iney kaga jawaabayeen weerarada kaga imaanaya dowladda dhexe, oo ciidanka ay adeegsaneyso ay u badan yihiin Amxaaro.

Wararka laga helayo gudaha Ethiopia ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay shan aag kaga wajahan yahiin magaalada Makelle ee xarunta ismaamulka Tigray-ga, waxaana laga cabsi qabaa iney billowdaan maalmo dagaal culus ah.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya, qorshaha xiga wuxuu yahay in la beegsado deegaanada Adigrat, AbiyAdi, Ambalage iyo Gijet oo ah goobaha ugu muhiimsan maamulka Tireega.

Militariga Itoobiya waxey sheegeen inay billaabi doonaan wajiga labaad ee hawlgalka loogu magac daray mideynta Ethiopia, waxaana tani ay imaneysa ayada oo caalamka ay ku baaqayaan in dagaalka la joojiyo.

Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, kaasi oo u dhaxeeya kooxda TPLF iyo ciidamada federaalka dalkaas.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee Afrika Tibor Nagy ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “waxaan cambaareyneynaa shacabka lagu xasuuqa magaalada Mai-Kadra, waxaana ku baaqeen in la qaado tallaabo deg deg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda gobolka Tigray. Waa muhiim in nabadda lasoo celiy,o shacabkana la bad-baadiyo.”