Tigree-ga oo laga qabsaday Garoonka diyaaradaha Humera +SAWIRRO

1816

Telefeshinka dowladda dalka Itoobiya ayaa baahiyey sawiro muujinaya Garoonka diyaaradaha ee magaalada Humera oo ay qabsadeen ciidamada Itoobiya, waxaana laga qabsaday kooxda Tigree-ga ee ay is hayaan ciidanka Federaalka.

Dhanka kalena, dowladda federalka ah ee Itoobiya ayaa soo bandhigtay askar ku lebisan tuutaha ay xidhaan ciidamada jabhadda TPLF ee dagaalka kula jirey ciidanka heer federal oo ay gacanta ku soo dhigtay.

Tallaabadaan ayaa waxa ay ka dhigan tahay in xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay sii waddo soo bandhigista magaalooyinka ay la wareegtey iyadoona horay weriyayaasha u geysey magaalooyinka Dansha, Tegede iyo Buuraha.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN