Tigreega Oo Soo Bandhigay Maxaabiis Ciidan Ah Oo eritrean Ah

1825

TPLF ayaa soo bandhigtay Maxaabiis Ciidan oo u dhashay Dalka Eriteria, kuwaas oo ay sheegeen Sarakiisha Tigreeygu in ay kusoo qab-qabteen dagaal, waxaana warbaahinta la hadlay qaar ka mid ah Askarta lasoo qabtay.

Qaar ka mid ah Maxaabiista Ciidanka ee lasoo bandhigay oo la hadlayay warbaahinta TPLF ayaa sheegay in dagaalka lagu soo qasbay, aysana doonayn in la dagaalamaan Tigreega oo duqymo xooggan ka gaystay gudaha Eriteria.

Waxaa sidoo kale ay intaas ku dareen maxaabiistaas lasoo bandhigay in Nabad la wada qaato oo dagaalka la joojiyo.
Hoggaamiyaha Gobolka Tigreega Debretsion Gebremichael ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Ismaamulka Tigree-ga ay ka dambeeyeen Gantaalladii lagu weeraray Garoonka Asmara iyo Xarunta Wasaaradda Warfaafinta dowladda Eratariya.

Hogaamiyaha Tigree-ga ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadiisu ay maalmihii lasoo dhaafay la dagaalamayeen Ciidamada Eratariya, iyagoona ku eedeeyay dowladdaas inay ka qeyb qaadaneyso dagaalka ay kula jiraan Ciidanka Milateriga Itoobiya.

Dagaalka u dhexeeya Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Tigree-ga ayaa galay maalintii 11-aad, waxaana ka dhashay khasaaro aad u xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana muuqata in dagaalka ay qayb ka noqon doonto Erateria oo haatan Maxabiis Ciidan laga haayo.