Al Shabaab Oo sheegatay inay qabsatay Deegaano katirsan Soomaliland

2410

Ururka Al Shabaab ayaa waxay la wareegeen maalmo ka hor Deegaano katirsan Gobolka Sanaag,oo ay maamulaan Soomaaliland.

War ay soo saareen maanta duhurnimadii,Al Shabaab ayey waxay ku sheegeen inay la wareegeen,deegaanka Gacan maroodi.

Deegaanka ayaa waxa uu ujiraa 50 KM dhanka Bari Caasimada Gobolka Sanaag,Magaalada Ceeri gaabo.

Waxay Al Shabaab sheegeen inay la kulmeen Odayaasha dhaqanka Gacan maroodi,islamarkaana ay kala hadleen in Islaaxa iyo Dib uheshiisiinta ka shaqeeyaan.

Al Shabaab ayaa waxay sheegeen inay Markii ugu horeysay tahay inay tegaan deegaano Ku yaalla Wuqooyiga Soomaaliya,haddana loo yaqaano Soomaaliland.