
La-taliyaha madaxweynaha maamulka Puntland ee arrimaha amniga, Mudane Cabdi Xersi Cali (Qarjab) ayaa shaaciyay tirada ‘Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan deegaanada maamulkaas’ ee sida tooska ah mushaarka uga qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qarjab ayaa sheegay in ciidamadaasi aanay ka amar qaadan Puntland, isla markaana aysan qayb ka ahayn nidaamkooda, balse ay yihiin ciidan guur guura oo meelo kale laga xakumo, sida uu hadalka u dhigay.
“Ciidan aan dowladda ka amar qaadan oo hadba meel aadaayo oo meel kale laga maamulo system dowlina maaha, adduunka wax ku dhaqmaana ma jiro”. ayuu yiri La-taliyaha madaxweynaha maamulka Puntland ee arrimaha amniga.
Sidoo kale wuxuu xusay in tirada ciidamadan ay gaareyso illaa 1,376 askari, isla markaana ay mushaar siiso dowladda dhexe, ujeedkeedana uu yahay in ay ku carqaladeyso amniga guud ee maamulka Puntland.
“1,376 qof-baa Puntland ku nool Dowladda Federaalka ayaa mushaar siisa, uguna talagashay Puntland inay ku carqaladeyso jiritaankeeda iyo amnigeeda” ayuu sii raaciyay La-taliye Cabdi Xersi Cali (Qarjab).
Hadalkan ayaa imaanaya, iyada oo dhawaan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ay sheegtay in cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayo Janaraal Jimcaale Jaamac Takar ay ka qayb-qaateen sugidda amniga madaxdii isugu tegtay magaalada Laascaanood.
Ciidamadan oo muddooyinkii ugu dambeeyay deggenaa duleedka magaalada Garoowe ayaa markii dambe gudaha u galay Laascaanood, iyaga oo wata gaadiid dagaal, kadibna waxay ku laabteen xeradooda milatari ee Garoowe.
Puntland ayaa si weyn uga oo horjeedo maamulka dariska la’ah ee Waqooyi Bari, waxayna kula jirtaa xifaaltan soo bilowdy markii ay Dowladda Federaalka aqoonsi buuxa siisay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood.




















