Tirada dadkii kudhintay Beledwayne oo sii korortay+SAWIRRO

1006

Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay qaraxyo Ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxyada xalay ka dhacay Baledweyne ayaa ahaa kuwa aad u waa weyn oo gilgilay guud ahaan xaafadaha magaalada Baledweyne, waxaana inta la xaqiijiyay ilaa hada tirada dhimashada ay mareysa ilaa 20 ruux oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada Baledweyne, waxaana lasoo warinayaa dhaawacyo kor u dhaafaya 30 ruux.

Qaraxa koowaad oo ahaa mid uu fuliyay ruux naftii halige ahaa ayaa ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ee magaalada Baledweyne, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, qaar ka mid ah ilaaladeeda iyo Xildhibaan Hore Xasan Dhuxul.

Qaraxa labaad ayaa waxaa isna uu dhacay daqiiqado kooban kadib qaraxa koowaad, waxaana uu ahaa qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo lala beegsaday gaari ciidan oo dhaawacyo ka soo qaaday gudaha Xerada Lamagalaay maadaama aan loo ogoleyn gaadiidka rayidka ah, waxaan qaraxa lagula beegsaday inta u dhaxeysa Isbitaalka weyn iyo Hotel Kaamil, waxaana ka dhashay qaraxaasi khasaaraha ugu badan ee dhimashada.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay qaraxa lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed ayaa faray laamaha amniga maamulka Hirshabeelle in baaris deg deg ah ku sameyaan qaraxa lagu dilay Xildhibaan Aamino oo xiliga lagu dilay qaraxa u socotay iney kulan lasoo qaadato madaxweyne Cali Guudlaawe oo ay balansanayeen.

Khasaaraha qaraxyada oo marba marka ka dambeysa sii kordhaya ayaa hadana wararka soo baxaya waxay sheegayaan in ku dhawaad ilaa 10 ruux lagu la’yahay nolol iyo geeri, marka laga soo tago khasaaraha nafeed waxaa jira mid hatiyadeed oo aad u balaraan oo soo gaaray dhismayaal ganacsi oo ku yaalay goobta uu qaraxa ka dhacay oo uu ka muuqdo burbur lixaad leh.