Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday kaniisad+SAWIRRO

182

Booliiska Jarmalka ayaa baaraya sababta nin hubeysan oo la rumeysan yahay inuu keligiis falay uu dhowr qof ugu dilay kaniisada Yehowah oo ku taalla magalada Hamburg.

Booliska ayaa ka gaabsaday in ay sheegaan tirada dadka ku dhintay weerarka xalay inkastoo ilo wareedyo kale sheegayaan in 6 qof la dilay balse waxay sheegeen Boolisku in dableyda la rumeysan yahay inuu ku jiro dadka dhintay.

Wargeyska Bild ayaa sheegay in toddobo qof ay ku dhinteen 8 kalena ay ku dhaawacmeen toogashada ka dhacday hoolka kaniisada Yehowah ee ku yaalla waqooyiga magaalada oo ay ku taallo dekedda ugu weyn ee Jarmalka.

Ma jiro wax faah faahin ah oo laga bixiyay ninka looga shakisan yahay dilka.

“War xun ayaa ka imaanaya Hamburg,” ayuu RW Olaf Scholz ku soo qoray bartiisa Twitter-ka, isagoo ku tilmaamay weerarka “fal arxan darro ah”.

Waxa uu sheegay in dareenkiisa ay la socdaan dhibanayaasha, qoysaskooda iyo ciidamada ammaanka, kuwaasoo uu sheegay inay soo mareen xaalad adag tan iyo markii toogashadu dhacday 9-kii fiidnimo. (2000 GMT).

Wasiirka arrimaha gudaha Nancy Faeser ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in mas’uuliyiintu ay si degdeg ah uga shaqeynayaan sidii ay u baari lahaayeen dambiga.

“Waxaan u malaynaynaa inuu jiro hal dembiile,” booliisku waxay yiraahdeen goor dambe oo Khamiis ah. “Baaritaannada ku saabsan sababaha ka dambeeya dambiga ayaa sii socda.”

Muuqaalo laga sii daayay Telefishinada ayaa muujinayay tobaneeyo baabuur oo ay leeyihiin ciidamada booliska iyo sidoo kale dabdamiska oo xiray wadooyinka iyo dadka qaar oo bustayaal ku duuban, kuwaasi oo ay hogaaminayaan shaqaalaha gurmadka deg dega ah oo bas galay.

“Waxaan maqalnay rasaas,” mid ka mid ah goobjoogayaasha oo aan la aqoonsan ayaa u sheegay suxufiyiinta.

“Waxaa jiray 12 xabbadood oo isdaba joog ah,” ayuu yidhi.” Ciidamada Booliska oo goobta gaaray ayaa soo arkay dad badan oo dhaawacyo halis ah qaba, qaarna meyd ah.

“Kadib waxa ay maqleen rasaas kor ka dhacday, dabaqa sare ayay u baxeen, waxayna heleen hal qof oo kale,” ayuu yiri afhayeenka booliiska kaasoo loo malaynayo inuu ahaa dembiilaha oo is dilay.

Dalka Jarmalka ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ka dhacayay toogashooyin dhowr ah. Bishii Febraayo 2020, nin hubeysan oo looga shakisan yahay inuu xiriir la leeyahay midigta fog ayaa sagaal qof oo ay ku jiraan muhaajiriin ka yimid Turkiga ku toogtay galbeedka magaalada Hanau ka hor inta uusan dilin isaga iyo hooyadiis.