Toos Doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Galmudug

1762

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa goordhow ka bilaabatey doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug oo Maanta loo asteeyey.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal oo furay kulanka ay Xildhibaannada ku dooranayaan Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka galmudug ayaa sheegay inay fasiga soo xaadireen 77 Xildhibaan.

Doorashada ayaa waxa ku tartamaya Afarax Musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Galmudug iyo Shan musharax u taagan xilka Madaxweyne kuxigeenka,kuwaas oo kala ah.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Musharixiinta Madaxwaynaha.

1: Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor)

2: Cabdiraxman Axmed Sabriye

3: Axmed Shire Maxamed (falagle)

4: Axmed Cabdullaahi Samater.

Magacyada Musharixiinta Madaweyne kuxigeennada.

1: Cali Daahir Ciid

2: Axmed Yuusuf Warsame (Taajir)

3: Saadaq Cabdullaahi Xaashi

4: Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey)

5:Cabdi Qani Sheekh Cali Diini.