TOP-50: 50-ka Xiddig Ee Ugu Fiican Premier League Oo La Soo Saaray

1619

Sky Sport ayaa soo saartay Liiska 50-ka xiddig ee ugu fiican ilaa haatan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyada oo uu hogaaminayo xiddiga kooxda chelsea ee Christian Pulisic kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Xiddigaah Leicester City ee James Maddison (2) Jamie Vardy (3), Caglar Soyuncu (7), Ben Chilwell (8) & Kasper Schmeichel (10) ayaa sidoo kale ku jira Liiska 10-ka xiddig ee ugu sareeya.

Kooxda Liverpool ayaa dhankooda ku leh xiddigaha Andy Robertson (9) & Sadio Mane (5), Xiddiga Wolves ee Raul Jimenez ayaa ku jira kaalinta (4) halka daafaca Newcastle ee Ciaran Clark ayaa ku jira (6).

Horyaalka premier League ayaa la ciyaaray 13 kulan ilaa haatan iyada oo ay xiddigo badan soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Halkan Sawirka hoose kaga Bogo Liiska xiddigaha 50-ka ah ee ugu fiican ilaa haatan horyaalka premier League.