TOP.NEWS:- Donald Trump oo ka guuraya guriga uu ka degenaa magaalada New York

1898

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ka guurayo gurigii uu degenaa ee magaalada New York una guurayo guri kale uu ku leeyahay gobolka Florida.
Trump ayaa ku macneeyay sababaha uu ugaga guurayo inay tahay in siyaasiyiinta ku sugan New York ay si aan wanaagsanayn ula dhaqmeen.

“Nasiib darro, inkasta oo sannad kasta aan maalaayin doolar oo canshuur aan ku bixiyo magaalada, waxaa si xun ii la dhaqmay siyaasiyiinta magaalada iyo gobolka” ayuu yiri madaxweyne Trump.

Guddoomiyaha New York Andrew Cuomo iyo duqa magaaladaas Bill de Blasio ayaa waxa ay si xoog leh ugaga soo horjeedaan siyaasada Trump waxayna ka tirsan yihiin xisbiga Dimuqraadiga.

Madaxweyne Trump ayaa ku dhashay New York balse wuxuu marar badan waqtigiisa ku qaatay gurigiisa kale ee Mar-a-Lago estate ee ku yaal Palm Beach ee gobolka Florida