TOP.NEWS:- Waxgaradka Mudug “OO Si kulal oga Hadlay ,hadal ka soo yeeshay shalay Madaxtooyada Puntland

1621

Odayaasha iyo waxgaradka dhaqanka ee magaalada Gaalkacyo oo wariyayaasha kula hadlay magaaladaas, waxayna ka digeen ficilo ay sheegeen in ay halis galin doonaan Midnimada iyo wadajirka bulshada Puntland oo ay sheegeen in dawladdu la wareegtay iyadoo isku dhameystiran.

Odayaasha ayaa si adag u naqdiyey hadal kasoo yeeray maamulka Puntland ee gobalka Nugaal, oo ay sheegeen in ay doonayaan in ay ummadda dhibaato dhex dhigaan.

Waxayna sheegeen in ficilkii sheegashada Garoowe ee laga sheeganayay mudanayaasha baarlamaanka uu yahay mid dhaxal aan wanaagsaneyn ka bixinayo Xukuumadda Puntland.

Odayaasha waxay sheegeen in ay doonayaan Puntland mideysan, Caasumaddana aysan jirin cid gaar u sheegan karta, taas oo qeyb ka ah arrimaha waa weyn ee hadda muuqda.

Ka sokow doonista iyo jawaabta ay odayaashan bixiyeen, haddana warar hoose ayaa sheegaya in ay xariir la sameeyeen Maamulka gobalka Nugaal oo ay sheegeen in uu ku dhacay khalad siyaasi ah.

Xiisado siyaasadeed ayaa u dhaxeeya Puntland maanta, gaar ahaana baarlamaanka & Xukuumadda dad badan ayaana ka walaacsan dhaqanka isku jawaabida ah ee soo shaac-baxay, kaas oo galin kara halis weyn.