Totenham oo kahartay Champions leaga +SAWIRRO

2377

Kooxaha Leipzig iyo Atlanta ayaa noqday kooxihii ugu horeeyay ee iska xaadiriyay wareegga 8-da Champion-ka ka dib markii si xaraarad leh ay uga gudbeen kooxaha Tottenham iyo Valencia

Tottenham ayaa waji gabax kala baxday tartankaas oo ay sanadkii hore finalkiisa gaartay waxaana lugta labaad looga badiyay sedex gool oo nadiif ah xilli isu geynta wadarta labadii is arag ay noqoneyso 4 gool

Tottenham ma jirrin wax ay soo bandhigeen kulankaan waxaana ku adkaa in si sax ah ay u gaaraan goosha kooxda RasenBallsport Leipzig wax ayna guul daradaas calaamad su`aal dul dhigeysaa mustaqbalka Jose.
Leipzig waxa ay soo bandhigeen ciyaar dhanka farsamda aad u sareysay waliba si weyn ayay ugu qalmeen guushaas .

Dhanka kale Atlanta ayaa iyana ku garacaday Valencia 4/2 wax ayna guud ahaan wadarta labada kulan isku noqoneysaa 8/4.