Tottenham Iyo Man United Oo Bar-bar Dhac ku kala baxay +Sawirro

1516

Sheekada labada qeyb: Tottenham iyo United ayaa ciyaarta ku bilaabay qaba deg degsiimo leh xilli labada koox ilaalo ayay iska hayeen

Ka dib biloowgaas , United iyaga aya kubadda ku badnaa waliba haystay waxaana daqiiqaddii 21-aad Rashford laga bad baadiyay kubad gool aheyd waxaana qabtay goolhayaha

United weerar ayay aheyd balse deg degsiimo ayaa dileysay xilli daafaca Tottenham ahaayeen kuwo wacan

Ka dib kubad uu soo qajafeeyay goolhayaha Totennham waxa ay gaartay afka hore ee United waxaana helay oo laba daafac dhex jiiray Steven Bergwijn kaasi oo si cajiib ah u laaday waxa ayna gashay goosha United daqiiqadii 27-aad

Tottenham ka dib dar dar ayay la soo baxeen xilli United dhankoodana uu fursadaha u diidayay goolhayaha Tottenham oo daqiiqaddii 28-aad kubad xaqiiq ahaa ka bad baadiyay .

United daqiiqadii 30-aad gool kale ayay ku sigteen balse bad baadin cajiib ah oo muddo la xasuusan doono waxaa sameeyya goolhaye De Gea ka dib kubad madaxa aheyd ee uu lahaa Son xilli United sidoo kale daqiiqaddii 47-aad laga bad baadiyay gool kale ka dib kubad uu laaday Bruno Fernandes .

Biloowgii qeybta labaad , guud ahaan United cadaadis ayay saareen Tottenham balse xal ma jirrin maadaama Tottenham daafac ahaan ay wacnaayeen .

Tottenham waxa ay ciyaarayeen kubadda geesinimo leh waxa ayna ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah xilli United badalkooda ugu horeeyay sameeyeen daqiiqaddii 63-aad waxa ayna soo giliyeen Pogba iyo Greenwood oo loo saaray Fred iyo D.James .

Pogba marka uu soo galay is badel ayaa ku yimid hanaanka United waxa ayna ku dhawaadeen gool waxaana daqiiqaddii 64-aad laga hor istaagay gool balse guud ahaan kooxda Ole Gunner iyaga aya kubadda haystay .

Daqiiqaddii 67-aad Martial gool xaqiiq ah oo shabaqa ku sii socotay waxaa u diiday goolhayaha Tottenham oo bad baado cajiib ah sameeyay balse guud ahaan sida muuqatay United gool waa laga filan karay xilli Tottenham jir ahaan ay hoos u dhaceen.

Tababare Jose oo dareensanaa dib u gurashada kooxdiisa waxa uu daqiiqaddii 70-aad sameeyay laba badal isaga soo giliyay Lo Celso iyo Gedson Fernandez oo loo saaray Bergwijn iyo Lamela .

Ka dib badaladaas , Tottenham horay ayay u soo dhaqaaqayeen waliba wax aya iksu dayayen in kubadd acagtooda ku daahiyaan , waxa ayna ciyaarta dhamadkii aheyd mid xaraarad leh , xilli United daqiiqadii 78-aad soo giliyeen Ighalo iyo Matic oo loo saaray Martial iyo Lindeloef

United oo gudaha fog tageysay , waxa ay ku heleen rigoore ka dib qalad lagu galay Pogba waxaana laaday oo shabaqa dhigay Bruno Fernandes daqiiqadii 80-aad

United dagaal ayay ugu jireen gool labaad waxa ayna daqiiqaidi 89-aad soo giliyeen Bailly oo loo saaray Scott McTominay, waxa ayan daqiiqaid 90-aad ku doodeen rigoore ka dib markii uu dhacay B.Fernandes base markii lagu laabtray VAR waxaa cadaatay in aysan aheyn, waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay min hal gool.