Tottenham Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Olympiacos & Juventus Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaadhay Atletico Madrid

1700

Tababare Jose Mourinho ayaa guushii 2-aad oo xidhiidh ah la gaadhay Tottenham xilli ay Spurs ka soo laabatay 2 gool oo lagaga naxsaday loogana hor maray ciyaarta.

Kooxda Olympiacos ayaa daqiqiadii 6-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay goolka xiddiga Youssef El Arabi kaas oo hogaanka si lama filaan ah ugu dhiibay kooxdiisa.

Isla daqiiqadii 19-aad ayay Olympiacos sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ruben Semedo kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso kulanka.

Wixii intaas ka dambeeyay Tottenham ayaa la wareegtay hogaanka ciyaarta iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Daqiiqadii 45-aad ayay Tottenham dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay Dele Alli kaas oo ciyaarta dib ugu soo celiyay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Tottenham ku dambayso 2/1 laakiin soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u fiican.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Tottenham ku bilaabatay si cajiib ah iyaga oo raadinayay goolal ciyaarta ku soo celiya.

Daqiiqadii 50-aad ayay Dhaliyeen goolka goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay Harry Kane kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 2/2 ah.

Tottenham ayaa bilowday raadinta goolal kale iyo waliba in ay gaadhaan guul ka caawisa in ay guul ka gaadho kooxda Olympiacos.

Daqiiqadii 73-aad ayay dhaliyeen goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Serge Aurier kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Daqiiqadii 77-aad ayuu Harry Kane mar kale dhaliyay gool isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/2 ay Tottenham ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Tottenham guul weyn oo soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Olympiacos.

Dhanka kale kooxda Juventus ayaa guul 1/0 ah ka gaadhay kooxda Atletico Madrid kulan ka dhacay garoonka Allianz Stadium iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Paulo Dybala kaas oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul dirqi ah.