TPLF oo hanjabaadii ugu adkeyd soo saartay

1529

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Jabhadda TPLF ee Ismaamulka Tigree-ga, waxaa la cadeeyey in weeraradii shalay lagu qaaday xarumaha Tigree-ga loo isticmaalay hub casri ah oo aan Afrika oolin, oo ay ku jiraan diyaaradaha is wada ee Drones-ka oo duqeymo geysatay & hub kale oo casri ah.

Faahfaahin lama bixin, khasaaraha geysateen weeraradii shalay iyo gulufkii ugu cuslaa ee dhacay 24 saac ee lasoo dhaafay lagu qaaday saldhigyo ay lee yihiin ciidanka TPLF iyo xubno katirsanaa maamulkaasi oo shirar ku lahaa goobo u gaar ah.

Bayaan ka soo baxay TPLF kuna taariikheysan 15.11.2020 ayaa lagu dhaliilay hogaanka Abiy Ahmed ee laba sanno iyo bar ka hor la wareegay talada dalka ethiopia, waxaana lagu sheegay in deganaasho la’aan iyo khalalaase uu horseeday hogaankiisa.

Geesta kale bayaanka ayaa lagu soo qaaday in 15.Nov in weerar si xoogan u abaabulan oo la isticmaalayo hub casri oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee (Drone) iyo tignolojiyado kale oo qaarkood aan laga heleyn qaarada afrika lagu soo weeraray shacabka Tigray.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarka wadajirka ah ay soo qaadeen ciidamada amniga Etoobiya, Eriteriya ciidmada Amxaarada iyo ciidamo kale oo aan afrikan ahayn.

“TPLF waxay si adag u canbaareyneysaa weerarkaas oo ay u aragto mid lagu gumaadayo shacabka laguna burburinayo kaabayaasha dhaqalaaha ee Tigray sida Biyo xireenka Tekeze iyo Warshada Sonkorta ee Wolkait”yaa lagu yiri qoraalkan.

Bayaankaan oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Tigray oo u badnaa catoow waxaa aad loogu celceliyay in dagaalka ay ku lug leeyihiin xoogaga Eriteriya iyo kuwo aan afrikan ahayn.

TPLF waxay sheegtay in colaada gobolkooda aan la mahdin doonin ayna saameyn balaaran ku yeelan doonto xasilooni darana ka abuuri doonto Geeska Afrika, Badda Cas, iyo Khaliijka iyadoo khatar gelinaysa nabadgelyada iyo amniga caalamiga ah.

Waxay baaq u direen in arinkan ay soo faro geliyaan bulshada caalamka Golaha amaanka midowga afrika midowga yurub waxayna ka dalbadeen dhamaantood inay canbaareeyaan
Maamulka sare ee dowlad deegaanka TPLF, waxay ku cadeysay qoraalkeeda in weeraradan ay wadajir u soo qaadeen ciidamada Itoobiya & Eritrea, waxayna sheegeen in la gumaadayo Shacabka Tigrey-ga.