TPLF oo qiratay inuu jab xooggan soogaaray

1378

Hogaamiyaha Jabhada TPLF Debretsion Gebremichael ayaa markii ugu horeysay qirtay inuu jab xoogan ka soo gaaray dagaalka ay kula jiraan ciidamada Itoobiya.

Khudbad uu telefishinka Tigray uga jeediyey shacabkiisa ayuu Debretsion ku sheegay iney go’aamiyeen ciidamada TPLF iney dib uga soo baxaan magaalooyinkii ay qabsadeen iyo dhul kale aad u baaxad weyn, ayna dhexda kaga jiraan xaalad aad u adag.

“Go’aanka dib u bixida waxa aan gaarnay ka dib markii aanu qiimeynay xaalada gudaha sida ay tahay iyo mda cadowgu ku sugan yahay, marxalada aan aragnay kuma sii socon karin, waxaana garanay iney wax badan naga khaldan yihiin. waxaan isla qaadanay in arrimaha aan soo hagaajino gudaheena, isla markaana aan dib u eegno nooca dagaal ee aan dhexda uga jirno” ayuu yiri Hogaamiyaha TPLF.

Debretsion ayaa xusay in go ‘aanka ay qaateen uu ahaa mid halis badan oo aad u qaraar balse lagu qasbanaa, wuxuuna xusay in dagaalka ay soo galeen cadow shisheeye oo doonaya in mar kale dhibaato loo geysto shacabka Tigray sida uu yiri.

Hogaamiyaha TPLF ayaa xusay in qorshohooda la xiriiray iney gaaraan magaalada Addis ababa uusan hadda suuragal aheyn.

“Go’aankeena waxaa uu ahaa mid culus oo weyn, walow rabitaankeenu ahaa inaan Addis ababa galno haddana waan u bareeri weynay caqabadaha waaweyn ee na hor yaalla, xaqiiqada ayaana sidaas ah” ayuu yiri Debretsion.

Waxaa uu sheegay in ciidanka ka soo horjeeda aysan aheyn wax sahlan oo si fudud looga guuleysan karo, waxaana hadalkani uu ka hor imanayaa hadal ay TPLF horey u sheegtay oo ahaa iney burbureen ciidanka Itoobiya, sadex maalmoodna isku soo dhiibaan.

Hogaamiyaha TPLF ayaa sheegay iney bedelayaan jihada iyo istrataatiijyada dagaalka, isagoo wacad ku maray iney dagaalka sii wadayaan tan iyo inta ay ka xaqijinayaan ineysan jirin halis heysata shacabkooda.

“Cadowga hubkii gacanta ugu jiray mooyee, dalal kale ayey soo kaashanayaan, sidoo kale cadowgu waxaa uu dagaalka u isticmaalayaa dhaqaalihii, warbaahintii, hubkii iyo cududii dalka Itoobiya oo dhan” ayuu yiri Debretsion Gebremichael.